Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda

KISMAAYO(P-TIMES)- Maxkamadda ciidamada dowladd goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisey askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaas oo la sheegay in uu horey u dilay askari kale.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Bakar Xasan, waxaana uu hore u dilay askari ka tirsan ciidanka jubbaland oo lagu Magacaabi jirey Siyaad Maxamed Xassan.

Xeer ilaaliyaha ciidanka jubbaland Gashaanle Dhexe Maxamed Axmed Yaasin ayaa sheegay in askariga manta la toogtey uu 27-kii Bishii November ee sanadkii tagay ee 2019 xilli habeen uu askariga ku dilay bartamaha magaalada kismaayo.

Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in xukunkan dilka toogashada ah ee la liyey uu soo maray baaritaan dheer kadib iyo fadhiyo kala duwan oo marqaatiyo watay oo ay maxkamada samaysay isla markaana maanta xukunka dilka ah la fuliyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*