Madaxweyne Denni oo qalinka ku duugay arin aysan ku farxin ciidamada P/land

GAROWE(P-TIMES)- Taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa shaqadii ka ruqseeyey 80 askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ee gobolka Nugaal sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka Booliska Puntland.

Warqada shaqo ka ruqsaynta oo soo baxay horaantii bishan ayaa lagu cadeeyey askarta shaqada laga eryay in aanay wax faa’iido ah u lahayn shaqada ciidanka ayna ahaayeen boos buuxis.

Waxaa kale oo lagu tilmaamay inay ku haboonaayeen in shaqada ciidanka laga saaro, kadib ogolaansho laga helay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni.

Talaabadan ruqsaynta 80-ka askari ayaa kusoo beegmaysa, kadib markii dhawaan dowladdu bilowday diiwaan galinta iyo tiro koobka ciidanka Booliska Puntland.

Maalintii shalayna ayey ahayd markii shaqadii amniga Garowe laga wareejiyay ciidamada Booliska Puntland kadib markii loo dhiibay ciidamo kale si ay u xaqiijiyaan amaanka caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*