PUNTLAND: Afduubkii Xoriyadda Hadalka, Cambaareyn aan kala joogsi laheyn, Diidmo la xisaabtan & Xisbi aan sharciyad heysan oo maamula..!

GAROOWE(P-TIMES) – Puntland sannadkii 2019ka, wuxuu ugu bilowday maalmo siyaasadeed xoog leh, waxana dhacday doorashooyinka baarlamaanka iyo tan Madaxtooyada oo ku timid qeybsiga awooda beelaha, waxaana aan cod laheyn shacabka 22 sanno ka dib Puntland oo nabad iyo daganaansho ka jirtay.

Inkastoo ay Soomaaliya kala siman tahay arrimaha dhaqaale-darida, haddana deriskeeda oo ah Somaliland ayay marar kala duwan ka dhacday doorashada Madaxweyne-nimada oo ay dadku codkooda dhiibteen, taas oo muujinaysa heerka labada maamul.

Madaxweynaha Puntland waxaa horaantii sannadkii 2019kii loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuuna ka guuleystay Musharaxiin kala duwan oo u tarmayay hoggaanka maamulkaas, waxaana sannadkaas hirgalay arrimo kala duwan.

Puntland, waxay doorashadii ka dib la dareemay kala aragti duwanaansho xoog leh, dadkuna waxa aysan si wanaagsan laabta ugu sii deyn hoggaaminta Madaxweyne Deni, qaarkood ayaana qabay walaac ah in Madaxweynaha uusan laheyn go`aanka rasmiga ah.

Arrimaha sida caadiga ah u faafay waxaa kamid ah In talada dalka uusan Madaxweynuhu kaligiis laheyn oo ay cid kale la wadaagto, taas oo soo saartay WEERTA AH “Kursi layskula fariisto” taas oo ah hadal ay inta badan is dhaafsadan dadku.

Xukuumaddu waxay la kulantay caqabado u badnaa kuwa xagga siyaasadda iyo baqdin laftirkeeda ku jirtay oo gaarsiisay in ay humaagyada qaarkood shaki iyo welwel ka qaado, waxaana kamid ah arrimaha dhacay.

Madaxtooyadu, waxay u aragtay dawladda Faderaalka Soomaaliya in ay maamulkeeda kasoo horjeedo, waxayna sameysay falcelino kala duwan oo bilowgii aad iskaga hor yimi, gaar ahaana in ay gaartay bishuu June in ay joojiso Xukuumadda Garoowe la shaqeynta Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya, laakiin taasi ma noqon mid hirgashay.

Puntland, waxay adeegsatay farsamooyin badan oo qaarkood horey loo tijaabiyey oo ay ka mid ahaayeen in la sameeyo kooxo baraha bulshada dawladda si ba’an uga difaaca, kuwaas oo ugu dambeyntii qaarkood ay xilal heleen.

2019-kii, waxaa lagu xasuusan doonaa in uu ahaa sannadkii tayo-daradda dadka uu magacaabay Madaxweyne Deni, si gaar ahna wasiiraddiisa ayuu u qiray in ay yihiin kuwa aan dadkooda la hadli karin, waxaana sidaas oo kale uu ka hor sheegay bilowgii sannadkan baarlamaanka Puntland in wasiiradda uu magacaabay aysan aheyn kuwii uu la rabay Puntland.

Madaxweyne Deni, waxay Xukuumaddiisu sannad gudihiis weerar ba’an ku qaaday Xoriyada hadalka, waxaana ilaa hadda 40 maalmood in ka badan Xabsiga Boosaaso ku xiran Odayaal, Siyaasiin & Aqoonyahan muujiyey sida ay uga soo horjeedan hab dhaqanka siyaasiga ah ee Xukuumadda.

Garoowe, waxaa lagu xiray Odayaal Dhaqan, Wariyayaal iyo dad dawladda wax ka sheegay, gaar ahaana dhalinyarro baraha bulshada wax ku qortay ayaa la xiray, qaarkood la baacsaday oo ay ka baxsadeen deegaanadaas.

Warbaahinta xorta ah ayaa digniin, Hanjabaad iyo ficilo u muuqda kuwa baalmarsan sharciyadda loogu hanjabay sannadkii 2019-kii, waxaana kamid ahaa Mareegtan PuntlandTimes oo ay Xukuumaddu u aragtay madal inta badan baahisa dhacdooyinka aysan jecleysan ee la xariira run sheega.

Weerarkii baarlamaanka Puntland ay ku qaaday Xukuumaddu, wuxuu markale muujiyey arrimaha waa weyn ee kadhacay mandiqada, waxaana loo arkay in uusan Madaxweyne Siciid Deni diyaar u aheyn la xisaabtan ay ku sameeyaan golaha Wakiiladdu, waxaana weerarkaas masuuliyadiisa dusha saartay Madaxtooyada oo bixisay Magtii ama Diyadii dadkii lagu dilay weerarkaas.

Markii ugu horeysay ayay ahayd ee Puntland dad mucaaraday Xukuumadda loo hanjabay, layska xiray, sidaas oo kalena baqdintii ugu weyneyd ayay ahayd ee Xukuumad soo wajahda ay cabsi ka qaado cid kasta oo kasoo horjeeda.

26 October 2019, waxay ahayd maalin taariikheed, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland ayaa caro iyo xanaaq uga baxay Kalfadhi oo Dastuuri ah, markii mudane katirsanaa baarlamaanka uu Su`aal ka weydiiyey xaaladda deegaanada Puntland, waxay ahayd arrin kicisay in ay dad u dhintaan in faragalin lagu sameeyo baarlamaanka.

Ficiladan oo dhan, waxay dhacayeen xili Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku jiro mudo xileedkiisii koowaad, waxaana Madaxweynuhu aad ugu dheeradaa mar kasta eedeynta dawladda Faderaalka Soomaaliya, xili gudaha Puntland aysan jirin wadatashi iyo xoriyad hadal midna.

2 Comments

  1. Iskudir shacab iyo Maamul, Mucaaradad dhibaatadeeda leh ayaad wadaan, wixii laga faaiido ayaad leedihiin, ummada burburkeeda ayaad ka shaqeyneysaan waxaan aad qoreysaan. weyna imaaneysaa walee. meela kalaa la idinka buufiyaa.

  2. wallahi waa xaqiq dani dad amarkod ayu kusocdaa puntland alow usahal ka yaabay’e !!!!!
    tan kale gaas afarti sano ee uu xilka hayey ayaa dhaantay dani sanadka uu xilka hayo sbbto ah laysma cabudhin jirin xukumadi gaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*