Sheekh Shaakir oo sheegay in ay dhisi doonaan maamul cusub

DHUUSAMAREEB(P-TIMES)- Madaxa Xukuumadda Galmudug kana mid ah hoggaanka Ahlusuna Wal-Jameeca ee Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu eedayn kuluul ugu jeediyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay af duubatay doorashada Galmudug.

Waxaa sidoo kale qoraalka kamid ahaa in dadka reer Galmudug lag a dhigay marti isla markaana maamul aysan qayb ka ahayn la dhisaayo.

Sheekh Shaakir ayaa waaa uu sheegay in sida ay hada dowladda federaalka wax ku wado hadii aysan wax ka badalin ay dhisi doonaan maamul ay leeyihiin dadka reer Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*