Shil sababay Dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Kenya

NAIROBI(P-TIMES)- Shilkan gaari ayaa waxa uu ka dhacay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Caasimadda Kenya ee Nairobi iyo magaalada Mombasa, waxaana shilkaasi uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca xamuulka qaado ah xili ay marayeen goobta loo yaqaano Kiongwani, waxaana ka kacay dab sababey dhimashada hal ruux iyo dhaawac 5 kale.

Qof goobjooge ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in labada gaari ay so xowli ah ku socdeen isla markaasna isu dhacooda uu sabab u ahaa wadada qaybo kamid ah oo bur bursan.

Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa tagay goobta uu shilka ka dhacay, iyaga oo dhaawaca 5 ruux geeyey cisbitaalka weyn ee ismaamulka Machakos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*