Somaliland oo u gaashaamatay dagaal hor leh & Puntland oo ciidamo soo dhoobtay

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Kadib markii duleedka degmada Boocame ee gobolka Sool ay gaadheen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku gaashaaman gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna saacadihii ugu dambeeyey dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka socdeen qaybo kamid ah gobolka Sool ayaa waxaa saraakiisha ciidamada Somalilanad lagu amray in ay ficil ka bixiyaan arimahaasi.

Warsidaha Puntlandtimes.com oo si dhow ula socday xiisadaha cusub ee kasoo kordhay gobolka ayaa la helay xoggo hoose oo tibaaxaya in ciidamada Somaliland ay qorshaynayaan dhaq dhaqaaqyo hor leh isla markaasna saraakiisha ciidamada lagu amray in ay u ruqaansadaan deegaano hor leh.

Arintani ayaa ka dhigan jawaab lidi ku ah ciidamada Puntland ee gaadhay deegaanka Boocame, waxaana xusid mudan in saraakiil iyo ciidamo kale oo hor leh iyaguna la qorsheeyey in ay gaadhaan deegaanka oo Puntland u astaysay in ay ka dhigto saldhig ciidan si ay uga gaashaamato weerar kasta oo kasoo wajaha Somaliland.

Xaalada deegaanka iyo xiisadaha u dhaxeeya labada dhinac oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku loolamayey awooda gobolka Sool ayaa waxaa Somaliland u goostay ciidamo hore uga tirsanaa Puntland, kuwaas oo ku biiray Somaliland lana wareegay saldhigii ciidamada Puntland ee degmada Boocame iyo xarumo kale, hasa yeeshee madaxda Puntland oo cadaadis saaray wasiirka Duulista Puntland iyo xildhibaan C/raxmaan Muuse oo labaduba kasoo jeeda degmada Boocame ayaa kulamo ay la yeesheen ciidamadii ka goostay Puntland ku fashilmay taas oo keentay in wasaaradda Amniga Puntland ay ciidamo u dirto deegaankaasi si ay uga hortagto damaca maamulka Somaliland.

Ciidamada Puntland ee Boocame gaadhay oo isugu jira kuwo hore deegaanka u joogay iyo ciidamo laga qaaday deegaanka Faliidh Yaale iyo magaalada Garowe ayaa lasii kordhin doonaa sida ay sheegayaan xoggaha Puntlandtimes ay heshay.

Somaliland ayaa dhankeeda iyaduba wadaa abaabul xoogan oo ay ku doonayso in ay ku gaadho deegaano hor leh, waxaana deegaanka Buura Wadal iyo Boocame ka qoranaysaa ciidamo hor leh si ay u wiiqdo Puntland halka Puntlan laftirkeeduna awood walba ay iskugu gayn doonto dagaalka Somaliland.

 

2 Comments

  1. Caadaqaatayaashi u galay iidoor, dagaalka ha soo galaan, iyagu in ay ku dhintaan baa fiicnaan lahayd, ha difaafaan gurigooda. isaaq meel idinku hayn mayee, soo dagaal gala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*