AKHRISO: Puntland oo qeylo dhaan kasoo saartay weerarkii Hadaaftimo, kuna dhawaaqday.

GAROOWE(P-TIMES) – War qoraal ah oo sida la sheegay kasoo baxay Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa looga hadlay dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaanka Hadaaftimo ee gobalka Sanaag oo ay isku dagaalameen Puntland & Somaliland.

Warsaxaafadeedkan, waxaa lagu sheegay in ay ciidamada Puntland ku filan yihiin difaaca deegaanadaas, balse shacabka ayaa haddana loogu yeeray in ay qeyb ka noqdaan dagaalkan.

Qoraalka, waxaa lagu sheegey in ay Puntland qabatay Maxaabiis dhan 50 maxbuus, balse warar goobjoogayaal ka madax banaan labada dhinacba ay u sheegeen PuntlandTimes ayaa cadeynaya in 3 askari oo kasoo jeeda Puntland lagu waayay dagaalka ilaa haddana aan xaaladooda war laga heynin, sidas oo kale Somaliland ay qabsatay subaxnimadii hore saldhiga ciidamada Puntland.

Balse ay dib uga baxeen, waxaana wararku sheegayaan in ilaa hadda aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo ku wajahan khasaaraha ka dhashay weerarkan.Image may contain: text

5 Comments

  1. Nin isaga dhulkiisa soo weerarayo waxba laga a qabankaro. Sidaas darteed waxaa Puntland kula talinayaa in isaga baxan dhulkaas.

  2. Aaran-Jaan dhaqaalaha Puntland gaar ahaan Bosasso iyo Gaalkacyo waa burbursheen. Amaankana waa xumaaday inta Aaran-jaan xukunka qabsadeen.

    Madaxweyne Siciid Deni ha is casilo waa fashilmay.

  3. SALAAMU CALEEEKUM

    PUNTLANDTIME POLICY has been changed. They are now against the people of Puntlanders. PUNTLANDTIMES were supportive to the policy of DR. ABDIWALI GAS. However, they are against now to Said Abdullah Denni. Denni is the leader of Puntland and we have to support him same spirit as we support Dr. Gas

    Regards

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*