Amaanka caasimada dalka Kenya oo si weyn loo adkeeyey

NAIROBI(P-TIMES)- Dowladda Kenya ayaa waxa ay si weyn u adkaysay amniga magalaada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kadib warkii kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Nairobi kaas oo ku saabsanaa digniin la xiriirta inay dhici karaan weeraro ay Al-Shabaab fuliyaan.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Kenya ayaa lagu arkayaa magaalada Nairobi oo Soomaali fara badan ay degan tahay, waxaana la sheegay in mararka qaar ay baaritaano ku samaynayaan gaadiidka kala duwan ee gobolada kale kasoo galaya magaalada Nairobi.

Qoraalkii kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in xog la helay oo sirdoon ay sheegeeyso in la weerari doono mid kamid ah Hoteelada ugu caansan magaalada Nairobi balse aan magaciisa la shaacin.

Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Magaalada Nairobi inay muujiyaan feejignaan dheeri ah,isla markaana ay la Shaqeeyaan Saraakiisha ee ku holan sugida Amniga.

Si kastaba ka sokow digniintii ay soo saartey safaaradda Maraykanka ee Nairobi iyo feejignaanta Ciidanka Amniga Kenya ayaa waxaa jirtay in Al-Shabaab ay weerar dhaliyey khasaaro kala duwan ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi horaantii Bishii Janaayo sanadkii tegay ee 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*