Cabsi dagaal oo ka taagan gobalka Gedo & Ciidamadii ugu badnaa oo ay geysay DFS, Janan oo soo gaaray iyo Abaabulka dagaalka!

BALAD-XAAWO(P-TIMES) – Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta gobalka Gedo ee Jubbaland, waxaana halkaas ka socda abaabul xoog leh oo ku wajahan arrimaha ciidamada, waxaana qorshaha ugu weyn uu ka bilowday is-heynta dhinacyada siyaasadda, gaar ahaana Jubbaland & dawladda Faderaalka Soomaaliya.

In ka badan 30 baabuurta dagaalka ah iyo ciidamo gaaraya 700 Askari ayay dawladda Faderaalka u daabushay magaalooyinka gobalka Gedo, waxayna qorshaha ugu jirtaa sidii ay halkaas uga hirgalin lahayd xubno taabacsan siyaasadeed.

Saraakiishii horay dawladda Faderaalka Soomaaliya u taageeray ee kusugnaa gobalka ayaa cabsi weyn ka qaba safarka Jubbaland dhankeeda ka yimi ee kuwajahan xaaladda gobalkaas.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maalmihii u dambeeyey kusugnaa dalka Kenya ayaa soo gaaray magaalada Balad-Xaawo saaka aroornimadii hore, dad badan ayaa soo dhaweeyey.

Col, Janan ayaa lafilayaa in uu gaaro gobalka oo dhan, laakiin halkaas waxaa kaga wajahan caqabad ku saleysan arrimaha ciidamada oo ay is hayaan dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana muuqda qorshaha ugu weyn.

Welwel iyo cabsi ayaa laga qabaa dagaalo dhaca, waxaana dad badan ay u arkaan halis weyn oo aan si fudud looga baaqsan karin, waxaana durba bilowday baaqyo lagu codsanayo in la joojiyo dagaalada iyo qorshaha ku wajahan.

2 Comments

  1. Farmaajo siduu u socdey buu gobolka uu ka soo buu dab qabadsiin rabaa….. Waxaan Farmaajo kula talinayaa in uu caqliga shaqeeyo oo shidada iyo dhibka ka daayo ummadda soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*