DAAWO:C/raxmaan Cirro oo magacaabay masuuliyiin cusub

HARGEYSA(P-TIMES)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Cirro ayaa magacaabay xubno kala duwan oo cusub, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiskiisa uu ku magacaabay masuuliyiin cusub.

C/raxmaan Cirro ayaa xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani u magacaabay Maxamed Faarax Cabdi, halka uu Maxamed Aadan Jirde uu u magacaabay gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Waddani.

Gudoomiye Cirro ayaa masuuliyiintan uu u magacaabay xilalkan cusub alle uga baryey in uu ku asturo xilalkaasi isla markaasna uu garab galo.

Waxa uu sidoo kale uu u rajeeyey ragani uu magacaabay C/raxmaan Cirro in ay u gadan doonaan waajibaadkooda si waafi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*