DAAWO:Puntland oo cashuur cusub dul dhigtay ganacstada & Kulan ka dhacay Bosaso

BOSASO(P-TIMES)- Wasiir ku xigeenka Maaliyadda dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boosaaso ayaa warbixin ka bixiyey habsame u socodka shaqada wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo qaadista cashuuraha, waxaana uu sheegay wasiirku in wasaaraddu aysan bilaabin qaadista cashuuro cusub balse ay fur fur ku samaysay cashuurihii khidmadaha yaraa ee ay hore u qaadi jirtay dowladdu.

Cumar Xasan Fiqi wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in wasaaraddu ay bilowga bisha saddexaad ee sanadkani ay bilaabi doonto qaadista cashuurta iibka, isagoona dhanka kale wasiirku ka warbixiyey kulan dhex maray isaga, madaxda wasaarada hawlaha guud, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo taliska Booliska gobolka Bari, kaas oo u jeedkiisu uu ahaa dar dar gelinta hawlaha qaadista cashuurta dowladda.

Marka laga yimaado kulankaasi iyo hawlaha wasaaradda Maaliyaddu ay wado waxaa xidhan weli dekadda Boosaaso iyo suuqyada Gaalkacyo iyo Boosaaso sababo la xidhiidha cashuur la dul dhigay ganacsatada oo sheegay in aysan awoodin bixinta cashuurtaasi cusub mana jirto ilaa iyo hada war kasoo baxay madaxda dowladda iyo kan Maaliyadda oo ku aadan cabashada ganacsatada Puntland.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*