Dab ka kacay duleedka Laascaanood & Dooxo gubatay

GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacay dooxada Ooda-Gooye oo dhacda duleedka Laascaanood.

Dabkan oo aan weli la xaqiijiyay waxa dhaliydy ayaa ka kacay dooxadaasi dhul daaqsimeedka ku wanaagsan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabka ka kacay dooxada uu si xawliya ku socdo isla markaana ay adag tahay in la damiyo maadaama uu jihooyin kala duwan ku faafay.

Gaadiid dagaal iyo shacab ayaa gaaray dooxada, kuwaas oo ku hawlan daminta dabkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*