Dagaal culus oo ka socda Hadaaftimo & Somaliland oo weerar ku qaaday kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland…..

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo deegaankaasi dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Goob joogayaal ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas uu yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland oo saaka ka baxay deegaanka Yubbe ay aadeen dhinaca Hadaaftimo si u qabsadaan, waxaana dagaal kala hor yimid ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugan deegaankaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas, kaas oo kala gaadhay labada dhinac hayeeshee si rasmi ah weli loo cadayn karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Waa dagaalkii labaad oo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag mudo laba maalin gudahood ah uu ku dhex mara ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana maalintii shalay uu dagaal ku dhex labadaa dhinac degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*