Dagaal ka dhacay Kismaayo & Faah faahin kasoo baxaysa

MUQDISHO(P-TIMES)- Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qaybo kamid ah magaalada Kismaayo ku dhax maray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo ciidamo daacad u ah Cabdinaasir Seeraar oo hore u sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday kadib markii taageerayaasha Cabdinaasir Seeraar isku dayeen in ay dhigaan dibad bax ka dhan ah maamulka Jubbalanad  ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana aaga uu ka dhacay la sheegay in uu dagan yahay Cabdinaasir Seeraar, sidoo kalana ay ku taalo xarunta Baarlamaanka Jubbaland.

Dagaalka ayaa imanaaya xili garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo uu kulan uga socday madaxweynaha Jubbalanad iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Xaalada meelaha uu dagaalku ka dhacay ayaa kacsan waxaana wali la arkayaa ciidamo isku hor fadhiya iyadoo dadka degan ay muujinayaan baqadin la xiriirta in uu xoogaysto dagaalka labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*