DEG DEG:Bankiga aduunka & IMF oo isku raacay in Somalia laga cafiyo daynta

LONDON(P-TIMES)- Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagaha aduunkq eeb IMF ayaa shir labo maalin socday, kadib go’aan ku gaaray in Soomaaliya laga cafinayo in ka badan $5 Bilyan oo deyn ah oo lagu leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirka Maaliyada dalka C/raxmaan Bayle ayaa hore u sheegay in dowladda Soomaaliy ay dadaal badan ku bixisay cafinta daynta lagu leeyahay dalka.

Dowladdo badan oo ay kamid yihiin Maraykanka iyo Faransiiska ayaa iyaguna hore u shaaciyey in Soomaaliya ka cafiyeen daymo ay ku lahaayeen, kuwaas oo qayb ka ah daynta lagu lahaa Soomaaliya.

Go’aanka kasoo Bankiga aduunka iyo hay’adda IMF ayaa Soomaaliya u horseedi kara isbadal dhanka dhaqaalaha ah oo dalka ku dhaca iyo in uu helo dalku maalgelin caalami ah, taas oo u horseedi karta Soomaaliya in ay kusoo laabato saaxada Caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*