DEG DEG+XOG: Maxay maanta soo saarayaan Mudanayaasha baarlamaanka Puntland, oo shalay ka shiray Qodobo kuwajahan Xukuumadda?

GAROOWE(P-TIMES) – Baarlamaanka Puntland ayaa shalay gaaray go`aamo ku saleysan arrimaha ka dhex socday maalmihii u dambeeyey Puntland, gaar ahaana Madaxtooyada iyo baarlamaanka ee kuwajahan cida qabanaysa Jagada Kusimaha Madaxweynaha, haddii ay maqan yihiin Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa & Hadal-hayeenka baarlamaanka oo sadexduba deegaanadaas ka maqnaa.

Warsidaha PuntlandTimes wuxuu ogaaday in ay xubno katirsan baarlamaanka oo ku kulmay Garoowe isla garwaaqsadeen in laga hadlo sadex qodob oo ay maanta ku shaacin doonaan shir ay ku qabanayaan Garoowe.

Sadexda qodob ayaa kala ah.

  • In faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo sababaha keenay in Madaxweynihii & Kuxigeenkiisii ay bilaa cududaar isku mar uga baxaan mandiqada oo ay u kala booqaan wadamada kala duwan, iyadoo aysan jirin sababo cad oo aan laga baaqsan karin.
  • In la cadeeyo in haddii ay Puntland ka baxaan Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa ay masuuliyada deegaanadaas ku laabanayso baarlamaanka, gaar ahaana Tafsiir sharci ah loo helo qodobada dastuuriga ah ee cadeynaya, lana cambaareeyo in Wasiirka Cadaaladda laga dhigo Kusime Madaxweyne oo ay sharci darro tahay.
  • In Xukuumadda lagala xisaabtamo arrimaha la xariira marin habaabin iyo is horkeen la sheegay in ay shacabka iyo baarlamaanka dhex dhigtay, sidaas oo kalena aan lagala tashan guddoonka arrimaha shirka 15-ka march.

Qodobadan ayaa waxaa raaci doona qaar kamid ah hadal-heyn taagan oo ah in ay jiraan guux ka dhex jira baarlamaanka, oo ay doonayaan in ay markale muujiyaan in ay madax banaan yihiin, iyagoo 49 mudane oo katirsan ay dhaqaale kaga qaadateen Madaxtooyada in ay awoodooda la xisaabtanka iibsadaan.

1 Comment

  1. Aamusku wuxuu u qaybsamaa laba nooc. Mid waxa horay ka raaca. Saad.( صمت) markuu noocaa. Ay tahay. Kelmadu. Waxaa lagu qeexaa. Aamuskaa. Mid xigmad laga kororsanyo. Yacni waa qof raba in wax fahmo. Oo aan xikmadi dhaafin.
    Hdiise. Kelmadu aamusku ay tahay mid udhigan. **سكوت)) waxaa xanbaarsantahay .mina kale oo ah..cabsi..yacni waa aamus. Ay cabsi keentay..qofku wuxuu ku fekerayaa hadaad hadasho. Amaa lagaaga daraa..
    Barlamaanka puntland. Waxay ku si foobeen. Aamuska. Danbe ee siinka la isticmaalayo. Waxaa tihiin kuwo aan dad iyo dal midna u maqnayan..marka waxaan idin oran lahaa. Waxaa idiin roon in aad aamustaan)))

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*