FALANQEYN:Duulaanka Somaliland & Dulmiga Denni ee ganacsada P/land dan maku jirtaa?

GAROWE(P-TIMES)- Waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka dhacay deegaano ka tirsan Puntland dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo Somaliland, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay weerareen degmooyinka Laasqoray iyo Hadaaftimo oo kawada tirsan gobolka Sanaag.

Dagaalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Laasqoray, waxaana uu dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Dagaalkaasi oo sababay dhimashada hal askari, waxaana uu dagaalkaasi yimid kadib markii ciidamo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Sanaag ugu magacaaban Somaliland ay weerareen ciidamo ka tirsan Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland oo ku sugnaa xiligaasi degmada Laasqoray.

Inkastoo iska caabin ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa waxa ay Somaliland ku eedaysay dagaalkaasi Puntland, iyadoona sheegtay in ciidamada Puntland ay weerareen gudoomiyaha Somaliland ee gobolka Sanaag oo si dirqi ah uga bad baaday.

Maalintii shalay ayey ahayd markii ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland uu dagaal ku dhex maray degmada Hadaaftimo, waxaana dhinacyadii dagaalamay mid walbaaba uu guul ka sheegtay dagaalkaasi.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay in Somaliland ay ka qabsatay gaadiid dagaal, hub iyo maxaabiis dhan 50 askari, waxaana war saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Daraawiishta Puntland lagu sheegay in Somaliland ay weerarka ku qaaday ciidamada Puntland.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayey u sheegtay inay masuul ka tahay Somaliland wax walba oo dhaca isla markaasna duulaan lagu hayo deegaanadeeda.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalkaasi uu sababay khasaarayaal kala duwan ayna ka qabsadeen Puntland gaadiid dagaal iyo hub, waxaana labada dhinac uu mid walbaaba uusan sheegin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi.

Marka laga yimaado dagaalkaasi ayaa waxaa socda qorshe Somaliland ay ku doonayso inay kula wareegto deegaano badan oo ka tirsan goboladda Sanaag iyo Cayn, waxaana arimahani oo idil ay dhacaan xili madaxweyne Denni iyo xukuumaddiisu ay ku mashquulsan yihiin kordhinta dakhliga iyo qaadista cashuur hor leh oo ganacstada Puntland ay kasoo hor jeesteen.

Suuqyada Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa albaabada la iskugu dhuftay, waxaana xayiraad ay saaran tahay dekadda Boosaaso oo ganacsatadii wax kala soo dagi jiray ay joojiyeen dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ay wadeen halka dowladdu ay sheegtay in ay bilaabayso bisha Saddexaad qaadista cashuurta iibka ee macaash macaashka loo yaqaan.

Suuqyada kale ee ganacsiga ayaa isbadal ay ku samaynaysaa xukuumaddu madaama ay damacsan tahay inay ku wareegiso ganacsato reer Jabuuti sida xadhiga Internetka ah ee Fiber Optic-ga ah oo ganacsato reer Puntland hore shatigiisa u haysteen.

Hadaba duulaanka Somaliland iyo dulmiga Denni ee ganacsatada Puntland uu ku hayo xal ma ugu jiraa umadda?

Somaliland ayaa duulaankeedu waa mid qaawan oo qabsasho ah balse xukuumaddu weli kama aysan hadlin arintaasi, waxaana tani ay ka dhigan tahay in Denni iyo kooxdiisu ay raali ka yihiin qabsashada deegaanada Puntland halkii uu iclaamin lahaa difaac qaran maadaama xiligii khilaafku kala dhaxeeyey dowladda dhexe uu ku baaqay difaac qaran maanta maxaa diidaya in difaac qaran uu ku baaqo madaxweynuhu iyada oo la eego masaaliixda Puntland.

3 Comments

  1. Sadly, the grand duchy of Puntland that crowned itself with such pomp and glory in 1998 is no more. It has since lost its royalty and been diminished to the level of a clan fiefdom. The scale and scope of its leadership’s ineptitude are both grotesque and utterly unforgivable. Years of genuine forewarning and heartfelt pleas to change course fell on deaf ears at Villa Garowe.

    Instead, what we have today is a mere shell of the real Puntland that not only once was but should have continued to be both the greatest region and the epitome of pluralistic self-governance in a federal Somalia. First, its social fabric began being torn apart by the political friction with the aggressive SNM regime. Then, Puntland’s productivity and its economy began creaking under the intense pressure of its social tension. The terrible consequences are plain for everyone to witness today.

    Siciid Deni’s pretense that all is well will be his the making of his own demise. His attempts to cover up the Puntland leadership’s abject failures through increased tax hikes will seriously backfire on him. A regime that engages in a tax war with its own citizens is standing on very shaky ground. What Puntland urgently requires is a complete reset of its social and economic buttons before anything else. If Deni cares and is prudent enough, he will cleverly exploit the conference he has announced to do just that before it is too late for all concerned.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*