Ganacsade isku dilay Koonfur Afrika kadib amaro la dul dhigay

NAIROBI(P-TIMES)- Muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay weerarka lagu hayo goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin Ajaanibta ka shaqeysata gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Africa iyo qaar kamid ah gobolada dalkaas.

Burcadda Koonfur Afrikaan ka ah ayaa caadaystay weerarada goobaha ganacsiyada oo dhac u gesta inta badana sameeyay weeraro dhiig uu ku daato oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac lagula kaco ganacsatada Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida.

Ganacsatada Koonfur Africa ayaa sheegay in ay arkeen dhacdo ay aad uga argagaxeen kadib markii ay arkeen ganacsade Itoobiyaan ah oo goobtiisa ganacsi isku daldalay,  kadib markii Boolisku ay ku amreen in uu xiro goobtiisa ganacsi sida ay sheegeen.

Muuqaal laga soo qaday ayaa muujinayay ganacsadaha oo xarig ku xirtay goobtiisa ganacsi kadibna qoorata gashaday isaga oo sidaas ku geeriyooday,qaar ka mid ah Soomaalida ka ag dhawaa oo ku baxay ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen dhacdadaan kuna wargeliyeen Booliska.

Ganacsatada ayaa inoo xaqiijiyay in dhacdadani ay ka dhacay gobolka Gauteng mawaadin Itoobiyaan ka ahna uu isku daldalay kadib markii lagu amray in uu xiro goobtiisa ganacsi taas oo u cuntami waysay kana door biday in uu is dilo.

Inta badan dalka Koonfur Africa ayaa waxaa laga soo weriyaa weeraro khasaaro geysta oo Burcad Koonfur Afrikaan ah kula kacaan Soomaalida iyo qaar kale oo ka mid ah Ajaanibta kale ee ganacsiyada ku leh gudaha dalka Koonfur Africa.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*