Kenya oo ka jawaabtay eedayntii dowladda Somalia

NAIROBI(P-TIMES)- Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arimaha Soomaaliya, waxaana hadalkaas ka jawaabtay dowladda Kenya.

Afhayeenka dowladda Kenya Korneyl Cyrus Oguna Dowladda Kenya ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray dowladda Soomaaliya kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbaahinta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna.

Xadka magaalooyinka Mandera iyo Balad Xaawo ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo Jubaland ay isku hor-fadhiyaan, waxaana taas ay keentay in shacab badan ay ka qaxaan dhanka xadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*