Madaxii Amniyaat-ka Al-Shabaab ee Muqdisho oo sabab cajiib ah isku casilay

MUQDISHO(P-TIMES)- Sida ay faafisay Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya Ee Nabad Sugida waxaa is casilay madaxii Amniyaat-ka Al-Shabaab Muuse Mucaawiye.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 39 sano jir ayaa la sheegay inuu isku casilay khilaaf ka dhex jira hogaanka Al-Shabaab dartii.

Waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab ay ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho, waxaana uu si gaar ah u hoos tagayey Mahad Karataay oo dhawaan isna laga saaray hogaanka kooxda Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*