Madaxweynaha Puntland oo booqday xarumo dowladeed oo Jabuuti ku yaala

JABUTI(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarumo dowladeed.

Madaxweyne Deni iyo wafdigii la socday ayaa booqday Dekadda Dooraale, Dekadda Damerjoog, xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti Free Trade Zone sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa booqashada xarumahan ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dalka Jabuuti iyo masuuliyiinta xarumaha uu booqday oo warbixin ka siinayey xarumahaasi.

Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada, Saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo ganacsato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*