Madaxweyne caan ah oo dalka Sweden laga wada nacay & Maxaa sababay?

LONDON(P-TIMES)- Sanadkan Donald Trump wuxuu ahaa madaxweynaha Maraykanka seddex sano, welina caan kuma ahan dadka iswiidhishka ah.

Warbixin ay Novus oo ah shirkad oo cilmi baadhis sameeysa ayaa lagu ogaaday in Donald Trump aan sidaa looga jecleyn Sweden.

Sidaa daraadeed ayaa ah tobankii iswiidhishka ah ayaa aan doonayn isaga.

Qaabka uu hadlo ayaa sii xumaaday sannadihii la soo dhaafay, markaa wax lala yaabo ma aha inaaney dad badan oo Iswiidhish ah sidaa u sii jecleyn, ayuu yiri Sören Holmberg oo ah borofisoor Cilmiga Siyaasadda kana yimid Göteborgs Universitet.

Dadka aan sidaa u jecleyn Donald Trump waa dadka da’da, haweenka iyo dadka u codeeya xisbiyada Libaraalka iyo Bidixda. Waxa mida kale sii kordhaya dadka u codeeya xisbiyada Kristdemokraterna,

Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ee diidan Donald Trump marka loo eego meesha ay ka taagnaayeen saddex sano ka hor.

Ugu dambayntii Iswiidishka ayaa aaminsan inay wax xuun tahay haddii Trump la doorto mar labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*