Madaxweyne Denni oo balanqaad caafimaad u sameeyey gabadhii yarayd ee araga naafadaha ka ahayd

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyay Ayaan Xasan Ducaale oo ah gabadh 7 sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas oo maalmo ka hor fariin maanso ah u soo dirtay madaxweynaha si wax looga qabto xaalada nololeed iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Madaxweyne Denni ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaale in ay hesho Dhakhtar dibedda ah sidoo kale wuxuu sheegay in maamulkiisu wax ka qaban doono xaaladaha nololeed iyo waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.

Qoyska ayaan Xasan Ducaale ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha qaabiladiisa iyo in uu wax ka qabanayo xaaladeeda caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*