Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey gobol kamid ah Somalia

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ay duqeyn hor leh ka gaysteen deegaanka Kuunyo Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Maraykanka Afrika ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay duqeyntan oo lala beegsaday saldhig ururka Al-Shabaab ay leeyihiin lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Maraykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay duqeyntan oo ay garab ka siiyeen ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya inaan qof shacab ah lagu waxyeeleyn maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorsheysan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lagu bur buriyay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.

Al-Shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*