Puntland oo 20 sano oo xadhig ah ku xukuntay nin la nool cudurka HIV/AIDSka

GAROWE(P-TIMES)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa 20 sano oo xabsiya ku riday nin la nool cudurka HIV/AIDS oo kufsi u gaystay Farax Faarax Jaamac Siyaad oo ah gabadh yar oo sagaal sano jir ah.

Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo 36 jir ah ayaa sidoo kale wajahaya magdhow lacageed oo dhan 5000 oo Dollar, kadib markii uu sidoo kale ku xadgudbay gabadhnimadeeda gabadha uu kufsaday.

Ninkan ayaa sanadkii hore maxkamad ku taala Gaalkacyo ku xukuntay dil toogasho, hase yeeshee maxkamada racfaanka ayaa xukunkaas burisay iyadoo ka dhigtay 20 sano iyo shan kun oo Dollar.

Xukunka ayaa mar kale usoo gudbay maxkamada sare, taas oo maanta ayiday go’aankii maxkamadda racfaanka ka qaadatay kiiskan.

Puntland sanadkii hore waxay u ahayd sanad ay ka dhaceen kufsiyadii ugu foosha xumaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Saddex kamid ah kiisaska ayaa ahaa kufsi iyo dil ah, inkastoo mid kamid ah cadaalada la marsiiyay hadana weli waxaa horyaala labo kiis oo Puntland u ahaandoona tijaabo kale oo oculus.

Labadaas kiis waxay kala yihiin marxuumad Hodan Shanlaysane oo Garowe lagu kufsaday laguna dilay iyo Najma Cabdulqaadir oo ahayd 11 jir lagu kufsaday Burtinle markii dambena u geeriyooday dhaawacii kasoo gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*