Puntland oo shaqadii ka joojisay shirkaddo badan & Wasiir sheegay inay….

GAROWE(P-TIMES)- Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah ay u hakisay shaqada shirkadaha ka shaqeeya arimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaanada Puntland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa lagu hakiyey shaqada shirkadaha ka shaqeeya arimaha Xajka iyo Cumrada ilaa iyo inta laga hubinayo habsami u socodka hawsha ay hayaan shirkadahaas.

Sidoo kale qoraalka wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu amrayo shirkadaha ka shaqeeya arimaha Xajka iyo Cumrada in muddo todobaad gudihiis ah ay isku soo diiwaan galiyaan si loo hubiyo habsami-u-socodka shaqadooda isla markaana cidii fulin waysa amarkaas talaabo laga qaadi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*