Qayb kamida shaqaalaha Puntland oo Tababar uga furmay dalka Rwanda

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland oo kaashanaysa mashruuca CIP ee Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa aqoon isweydaarsi ugu dirtay Dalka Rwanda qaybo kamid ah shaqaalaha dawladda Puntland.

Tababarka ayaa waxaa lagu baranayaa sida la isugu xiro Habka maamulka shaqaalaja (HRMIs) iyo Habka maamulka maaliyadda ee (FMIS) taasoo kor u qaadaysa hannaanka maamul wanaagga waxaana uu socon doonaa muddo 14 Casho ah.

Shaqaalaha Tababarka ka qayb galay ayaa waxaa kamid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Shaqada, Maaliyadada, Madaxtooyadda, Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah iyo Bank Dhexe ee dawladda Puntland.

Nuxurka Aqoon isweydaarsigaan ayaa ahaa si shaqaalaha dawladda Puntland xirfadda iyo aqoonta ay kasoo kororsadaan Rwanda ay uga faa’iideyn lahaayeen xafiisyadooda marka ay dib ugu soo laabtaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*