Somaliland oo war culus kasoo saartay dagaalkii dhex maray P/land & Gaadiid dagaal oo…..

HARGEYSA(P-TIMES)- Taliska ciidamada Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ku dhex maray ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Qoraal kasoo baxay taliska guud ee ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay laba maalin oo isku xigta weeraro ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo kala ah magaalooyinka Laasqoray iyo Hadaaftimo, hayeeshee ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarkaasi.

“Waxaa jira inay Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 barasaabka Laasqoray ee Somaliland isku dayeena inay dilaan hase ahatee ilaahay ka bad baadiyay, waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan Badhan iyo deegaanada ku hareeraysan saaka abaaro 6 30 subaximo waxay ciidamada Puntland isku day dagaal ka bilaabeen deegaanka Kadhada oo 18 KM u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada Somaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland aysan mar walba dagaal diyaar u ahayn, hayeeshee ay is difaacayaan hadii lagu soo duulo iyagoona Puntland ku eedeeyey inay colaad ka abuurayso deegaanada gobolka Sanaag sida lagu sheegay warqadani hoos ku xusay oo kasoo taliska ciidamada Somaliland, walowse aan lagu shaacin khasaare dhimasho iyo mid dhaawac midnaba oo ka dhashay dagaalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*