Turkiga & Ruushka oo kawada hadlay xiisada cakiran ee ka taagan Suuriya

LONDON(P-TIMES)- Madaxweynayaasha dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa kawada hadlaya xiisada sii kor dhaysa ee ka taagan gobolka Idlib ee waqooyi galbeed dalka Suuriya.

Xiisada gobolkaasi ayaa u dhaxeesa dalalka Turkiga iyo Suuriya, iyadoona ay sara u sii kacday kadib markii in ka badan 30 askari ciidamada Turkiga looga dilay duqeyn ay fulisay dowladda Suuriya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay ka jawaabtay oo ay beegsatay illaa iyo 200 oo xarumood oo fariisin u ahaa kuwa Suuriya, waxaana weerarkaasi Turkigu uu sheegay in ay ciidamada Suuriya kaga dileen in ka badan 300 askari.

Hogaamiyaasha Turkiga iyo Ruushka oo khadka taleefanka kuwada xiriiray ayaa la sheegay in ay isku afgarteen sidii wax looga qaban lahaa xiisada sii kordhayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*