WAR DEG DEG AH: Puntland oo dil kufulisay Raggii lagu helay Dilkii Caasho Ilyaas.

BOOSAASO(P-TIMES)- Labo kamid ah dadkii lagu helay in ay ka dambeeyeen Dilkii, Afduubkii iyo Kufsigii Gaalkacyo loogu geystay sannad kahor Caasho Ilyaas Adeb oo ahayd gabar 13 sanno jir ahays ayaa lagu fuliyey goor dhaw dil Qisaas ah.

Ciidamada Amniga ayaa adkeeyey ammaanka, waxaana laamaha Ammaanku ay shaaciyeen in ay dhamaatay toogashadani.

Caasho Ilyaas ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee gudaha Puntland ama Soomaaliya sanadahan dambe loo toogto rag ka dambeeyey kufsi loo geystay.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha.

Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray.

Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay.

Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas.

Puntland ayay tani u tahay talaabo muujinaysa heerka Cadaaladda, waxaana Madaxweyne Deni horey u balan-qaaday meelmarinta Xukunnkasta oo ay ridaan maxkamaddaha kuna wajahan dhacdadan.

3 Comments

  1. Finally, some justice for Aisha. Dulmanayaasha waa in xaqooda la dhowraa. Daalinka hablaha yaryar ugaadhsadana la tusaa naxariis daro. Ifkana lagu ciqaabaa, aakhirana Alle loo daayaa inuu waajibkooda mariyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*