WAR DEG DEG AH: Wasiiro kasocda Itoobiya oo hadda ka gaaray Hargeysa & Nuxurka Dhambaalka ay kasidaan RW Itoobiya.

HARGEYSA(P-TIMES) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada Faderaalka ee Itoobiya Axmed Shide ayaa hadda ka dagay magaalada Hargeysa, waxayna goor dhaw wada hadal gaar ah layeelan doonaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay kala hadlayaan arrimaha ku saabsan Isbedelada geeska Afrika.

Wasiirka maaliyadda oo ay wehliyaan xubno katirsan Xaafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya ayay kala hadlayaan Madaxweynaha Somaliland arrimaha ku saabsanaa wada hadaladii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dhawaan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Somaliland iyo Itoobiya oo ahayd dhexdhexaadiye.

Dhambaal gaar ah oo ka socda Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Cali ayaa la gaarsiinayaa Madaxweynaha Somaliland, waxaana dhambaalka uu xambaarsan yahay in sida ay uga go`an tahay Addis Ababa in ay dadaal weyn ku yeelato arrimaha gobalka.

Shalay Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya, balse wararka la xariira safarka oo markii hore ahaa kuwa run ahaa ayay Somaliland dib uga laabatay, markii ay dad badan diideen.

Somaliland ayaa isku aragta in ay ka maarmin Itoobiya oo deris la ah, isla markaasna inta badan gacan ka siisa howlaha la xariira Tababarada Shaqaalaha, Ganacsiga Marsada Berbera iyo mashaariic kale oo muhiim ah Hargeysa.

Wada hadaladan waxyaabaha ka soo baxa kala SOCO Mareegteena RIIX HALKAAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*