Wararkii dagaal ka socda Dhuusamareeb & Khasaare ka dhashay

CADAADO(P-TIMES)- Dagaal xoogan ayaa weli waxa uu ka socdaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa hoggaanka Ahlusunna.

Dagaalka oo ka socda xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka sare ee Ahlusunna ayaa waxa uu sababay khasaarayaal kala duwan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo dowladda ah kuwaas oo la geeyey, halka goobta uu dagaalku ka socdo ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka weli ka socda magalada Dhuusamareeb, waxaana dad ku sugan Dhuusamareeb ay sheegayaan in hubka waa weyn mararka qaar la maqlayo.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaasi kusii darayaan in jug culus laga maqlay xarumaha Inji iyo Shiirkole oo kaabiga isku haya qiiq fara badana ay ka baxayaan, iyada oo inta badan maanta ay xiran yihiin goobaha ganacsiga ee magaalada Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*