Wasiir Cawad oo qaabilay wafti ka socda Netherland

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay safiirka Netherlands siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashi wadaagga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay Muqdisho safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Frans Makken, waxa ayna kawada hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ku suntan nafci wadaaga.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey arrimaha nabadgelyada, socdaalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherlands, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay gobolka iyo dunida inteeda kale.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*