Wasiirka Amniga & Gudoomiyaha G. Banaadir oo isku khilaafay caqabad ka taagan Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxameed (Filish) ayaa isku khilaafay furitaanka wadooyinka qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Cumar Filish ayaa isku dayey inuu dhaqaajiyo dhagxaanta wadooyinka ku xiran lana geeyo wadada sodonka ka xaga si ay u fududaadaan isku socodka gaadiidka iyi dad weynaha oo hada ah mid adag, waxaana arintaas ka biyo diiday wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Abuukar Isloow ayaa diiday dalab kaga yimid gudoomiye Cumar Filish oo ku aadan in shacabka Muqdisho laga qaado xayiraadda saaran, wuxuuna sheegay in xirnaashaha wadooyinka ay tahay istiraatijiyad u degan xukuumadda waxna laga bedeli karin.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoogan ku qaba xirnaashaha wadooyinka, waxaana ay saameyn xoogan ay ku yeesheen wadooyinkaasi ganacsigii magaalada Muqdisho, shacabka iyo gaadiidkaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*