Wasiirka Gaashaandhiga Yemen oo qarax ka bad baaday

LONDON(P-TIMES)- Lix askari oo reer Yemen ah ayaa dhintay kadib markii kolonyo baabuur ah oo uu watay wasiirka gaashaandhigga dalkaas ay ku qarxay miino dhulka lagu aasay Arbacadii sida ay sheegeen ilo wareedyo dawladda la xidhiidhsan.

Muhammad Ali Maqdashi, wasiirka gaashaandhigga ee dowladda caalamkuaqoonsan yahay ee Yemen, wuxuu booqday jiida hore ee degaanka Sirwah oo ku taal galbeedka magaalada ay dawladdu gacanta ku hayso ee Marib, dhinaca barina ka xigta magaalada Sanca ee ay xukumaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka badbaaday falkan, isla markaana aanu soo gaadhin wax dhaawac ah, sida ay laba ilo-wareed oo kale xaqiijiyeen.

Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa si ballaaran loogu aasay qaybo badan oo Yemen ah intii uu socday dagaalka dalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*