Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Somalia

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee James Swan.

Kulanka dhexmaray Xasan Sheekh iyo ergayga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

Sidoo kale inta uu kulan socday ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo James Swan ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sida uu muhiimka u yahay wadahadal siyaasadeed oo ku dhisan wada-oggol xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso doorashada 2020/2021.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa James Swan uga mahadceliyay howlaha shaqo ee uu dalka ka wado iyo taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

1 Comment

  1. So what? Will that increase his chance to come back to power! I doubt about that and I will advice Hassan Sheikh you have your chance Please go away and enjoy what you have robbed from the young and next generations.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*