XOG CUSUB: Somaliland oo 40 maalmood gudahood ku gaari doonta Xaduudaha ay sheegato ee ay isku hayaan Puntland.

HARGEYSA(P-TIMES) – Warsidaha PuntlandTimes wuxuu helay maclumaad cadeynaya in ay Somaliland qorsheynayso asbuucyada nagu soo wajahan in ay ciidamadeedu u dhaqaajiso dhawr goobood oo muhiim ah si ay u gaarto, waana qeyb kamid ah qorshe ay horey u dajiyeen dawladda Itoobiya & Somaliland oo doonaya in lasoo xiro xaduudaha ay sheegato Somaliland.

Warsidaha ayaa ogaaday in shir horey uga dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Dirir-dhaba oo dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya laysku raacay meelmarinta qorshahan oo qeyb ka ah sugida Amniga dalka Itoobiya, taasna ay ahayd soo jeedin ku timi mid la doonayo in lagu xaqiijiyo.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland oo tagay magaalada Wardheer ayaa horey ay Itoobiya ugu wargalisay qorshahan oo ay ugu horeyso magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn, taas oo qorshuhu yahay in si nabadgalyo ah loo gaarsiiyo nidaamka Somaliland.

Isku dayga abaabulkiisa ayaa hadda socda, waxaana Somaliland la filayaa in ay 3 bilood gudahood ku gaarto Xaduudaha ay gumeystihii Reer UK ay dhigeen dhulka Soomaalida, waana qeyb ka mid ah isbedelada ka socda siyaasadda Geeska Afrika.

Somaliland oo doonaysa in ay marka koowad ku wajahdo hab fudud ayaa hadda ciidamadeedii ugu horeeyey ku daabulayso Tukaraq, Qorilugud oo ah duleedka Buuhoodle iyo deegaanka Yube, waxaana qorshe dhameystiran oo fulintiisa ay hadda u taalo ciidamada maamulkaas.

Puntland ayaa qarisay xaqiiqooyinka ku wajahan shirkii magaalada Wardheere ee gobalka Doolo ay kula yeesheen saraakiil katirsanaa laamaha Sirdoonka & Milateriga dalka Itoobiya, kaas oobadankisa looga hadlay xaaladdaha ammaanka.

Itoobiya ayaa u aragta deegaanada xaduudaha xiga in ay marar badan kasoo gudbaan hub lagaliyo gobalka Soomaalida, ka dibna u sii talaaba Itoobiyada kale, taas oo ay sheegtay in uu halis ku yahay ammaankeeda, sidaas oo kale warbixino hoose ayaa sheegaya in shaqsiyaad katirsanaa Daacish oo lagu qabtay Itoobiya ay sheegeen in ay goobahaas kasoo galeen.

4 Comments

  1. waa sheeka aan soconeyn, xuduuda gumeysi dhigay ma jirin, ingiriis in uu gumeysto woqooyi kama qorneyn qaramada madoobey, waayo markii ay rabeen in ay koofur raacaan waa loo diidey, waxa la yiri dalab soo qorta, ilaa dalab ay qorteen lama ogolaan, ingiriis wuxuu meesha u tegey dhinaca itobiya in uu xuduud ka sameeyo, ee uu gooyo Ugadenya. midaargagixisada, shabaab woqooyi baa laga asaasey, waxa ay fadhiyaan Burca, isaaq baa wada, hadaba malaga dhegeysanayaa Buuhoodley ka yimaadaan. waa dagaal bilaabanaya.

  2. Maamulka goboleedka hargeysa awooda xakuu ka keena uu dhul uusan laheyn ku qabsan karo. Waxaan ogeyn wixii ka dhacey ceyn buuhoodle iyo kalshaale.
    Dowladii Engiriiska ayey u suurta galilaheys.oo aheyd a wood, caalami ah. Macaada waa Ethiopia oromo cafar xabshi tigrey iyo qoomiyado kale oo xaarka cunaya. Macquul maaha in dad Soomaliyeed uu gumaado Soomaliyeed kale oo qabiil ah. Waxey noqoneysaa qabiil inuu qabiil kale dhulkiisa u soo guuro. Oromo ma aqbaleyso ineyxabashi dhuljeeda ka qaadato waa saas sheekadu. Beesha isaaq waa ee hargeysa iyo burco iyagaa ka guurya deeganadòd iyagaana isku dili sidi cel afweyn oo kale.

  3. SNM (Aka Somaliland) Daacish, Al-Shabaab are same and they are treat to the peace of the horn…Oroma must understand these factions are the enemy of the peace in the horn…

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*