Al-shabaab oo ku hanjabtay in la dilayo cid walba oo ka qayb gasha doorashada Somalia

LONDON(P-TIMES)- Ururka Al-shabaab ayaa Fatwo kasoo saaray arrimaha doorashooyinka heer federaal oo la qorsheeyey in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020/2021-ka.

Bayaan Fatwo ah oo kasoo baxay malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay xaaraan tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sanadka 2021-ka islamarkaasna waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay talaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qayb qaadata arrimaha doorashada Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale fatwootay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka ee Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan galinayo dowladdaha Kenya iyo Itoobiya una horseedaya colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed.

Bayaanka kasoo baxay Al-shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu fatwooday in la laayo muhaajiriinta u dhashay wadanka Itoobiya ee kusoo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Al-shabaab ay amartay in meeshii lagu arko lagu dilay tahriibayaasha u dhashay Itoobiya.

6 Comments

  1. ASC.
    Xal an dil ahayn ma yaqaaniin kuwaasu.Dad uu waxtarkoodu yahay hanjabaad iyo dil maxaa lagu raacaa oo wanaaga?Haddii uu shacabku ammaan ka heli lahaa dad badan bay duufsan lahaayeen.Haddase xaalkoodu waa qofkii an yeelin waxaan rabno dil buu mudan yahay.

  2. marka hore waan idinku raacsanahay in dalka laga sifeeyo itobiyanka because waxay inta badan dhibaato ba’an ku hayaan shacabka ku nool konfur.lkn marka hore dadka aad xasuuqaysan daaya oo beer jilicsan yeesha.COL INA KAMA DHEXEYO ALSHABAABEY.

  3. Doorashada 20-21 waa xaaraantoowdey. Farmaajo iyo kheyr ayaa afgambi ku sameeyey. Anigu se waxkasta oo ay Shabaab iyo cidii jecel sameeyaan waan kasoo horjeeda. Hadii xaataa ay adimaan dhagaha ayaan ka fureysan waayo waa kufri adimaya

  4. Doorashada 20-21 waa xaaraantoowdey. Farmaajo iyo kheyr ayaa afgambi ku sameeyey. Anigu se waxkasta oo ay Shabaab iyo cidii jecel sameeyaan waan kasoo horjeeda.. Hadii xaataa ay adimaan dhagaha ayaan ka fureysan waayo waa kufri adimaya

  5. ABDIWELI
    shabab sixun ayaan uga cabsada hadane dhul ayku badan tahay majoogo{puntland}runti waxaan layaaba arxan darrada ay kula kacaan shacbka somaliyed.adiguna waxa tiri shabab ayad tahay cml.waadba iga nixisay wallahi

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*