AMISOM oo xirtay Xerada Xalane, kuna dhawaaqday in ay joojisay Shaqadii kasocotay.

MUQDISHO(P-TIMES) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta ay xirtay xaruntooda ugu weyn ee magaalada Muqdisho, taas oo ah Xerada Xalane, sababo la xariira Caabuqa corone-Virus, markii dhawaan laga helay Xanuunka mid kamid ah Qandaraaslayaasha Qaramada Midowbay.

Xaafiiska QM ee arrimaha Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiis laga helay mid kamid ah Qandaraaslayaashooda uu yahay mid la nool cudurka Corone-Virus, waxaana ilaa hadda ay sheegeen in ay ku hayaan goob sugan oo ammaan ah.

Qoraal ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in muddo 30 cisho ah la joojiyay dhammaan dhaq dhaqaaqyadii iyo  howlihii Xarunta Xalane, ayna taasi ka dhigan tahay ka hortagida cudurkaan.

Sidoo kale shaqaalaha ka howlgalayay Xerada Xalane ayaa la faray inay joojiyaan dhaq dhaqaaqyadooda, kuna sugnaadaan goobahooda, si loo yareeyo faafida cudurka COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*