DAAWO: Puntland oo shaacisay hadda war PUNTLANDTIMES sheegtay 18 saac kahor.

GAROOWE(P-TIMES) – Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay hayso shan qof oo looga shakisan yahay cudurka Corone-Virus, waxay sheegtay in ay dadkaan ku jiraan gacanta laamaha Caafimaadka oo la geeyey halka loogu talogalay in lagu karantiilo dadka qaba cudurkaan ama looga shakiyo.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland oo la hadlay warbaahinta maamulka ayaa sheegay in ay dadkaas hayaan oo ay baaris mariyeen, ayna qaadan karto jawaabtu ugu yaraan 3 maalmood, wuxuuna sheegay in ay heyn doonaan.

Wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay in ay qaarkood ka muuqdaan Astaamaha cudurkan, isagoo waliba sheegay in cudurkan ay astaamo badan iskaga eg yihiin xanuuno kale.

Wasiir kuxigeenku, ayaa sheegay in afar qof ay tahay Ajnabi u dhashay dal kale, halka ruuxa kalana uu yahay qof Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay baaris wadaan.

Ma soo qaadin in la karantiilay dadkii ay macaamilka la sameeyeen shanta qof ee lahelay, sidaas oo kale ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida qofku isku karantiili karro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*