DAAWO: Soomaaliya oo ku dhawaaqday kiiskii 2aad oo Corone-Virus oo laga helay gudaha dalka.

MUQDISHO(P-TIMES) – Wasiiradda Caafimaadka ee dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la helay qofkii labaad ee Soomaaliyeed oo qaba xanuunka Corone-Virus, waxayna sheegtay in qofkaas uu ka mid ahaa dad la karantiilay oo lagu hayay meel kamid ah gudaha magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in muwaadinka laga helay aan laga helin dhammaan calaamadaha xanunka oo aysan ku soo bixin, balse wuxuu sheegay in hadda xaaladiisu fiican tahay, ayna allaah ka rajeynayaan in aysan kusoo bixin.

Wasaaraddu, waxay kaloo cadeysay in ay jiraan dad la karantiilay, kuwaas oo ilaa hadda aysan soo bixin natiijadooda caafimaadka.

Muwaadinkan Soomaaliyeed, ayaa kasoo laabtay dalka dibadiisa, waxaana la heyn doonaa mudo ku siman 3 todobaad sida ay sheegtay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed in ay aad taxadar dheeraad ah u muujiyaan, loona baahan yahay in taxadar dheeraad ah la yeesho.

 

1 Comment

  1. Qalabkii Alibaba somali ugu deeqay wadanka waa yimid laakiin aqoontii looga faaideeysan lahaa Alibaba ma ku daray mise khuboro ayuu somaliya usoo dirin oo qalabka ku shaqeeya.

    Aqoondaro baahsan ayaa somaliya curyaamisey.

    Sidee loo xaqiijin karaa baaritaan ay sameeyaan dad aan aqoon u lahayn shaybaarka cuduraka korona. Tankale qalabkan ma xamar ayuu soo dhaafahayn
    (sidii caadada ahayd) ….mise wadanka oo dhan ayaa lala wadaagin. La arki doonee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*