Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo & Saraakiil faah faahin ka bixiyey

MUQDISHO(P-TIMES)- Sarakiisha ciidamada xogga dalka ayaa sheegay in deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18 kiilo mitir u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisin ciidamadu ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha qaybta 60aad ee ciidamanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo waraysi siiyay Idaacada dowladda isagoo ku sugan jiida hore dagaalka ee aaga Daynuunaay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaare xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraal Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay ka ka dileen ku dhowaad 12 ka tirsan dagaalamayaal, isagoona sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen tira intaas ka badan.

Shalay ayay aheyd markii deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal khasaare gaystay oo dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab kaas ay guulo ka sheegteen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*