Dawladda Puntland oo ka hadashay Xaaladda Qaraxa Garoowe & Dhaawaca masuuliyiinta qaarkood.

GAROOWE(P-TIMES) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in qof Ismiidaamiyey uu isku qarxiyey bartamaha magaalada Garoowe, gaar ahaana Gudoomiyaha gobalka Nugaal Xassan Gujir, isla markaasna uu dhaawac yahay.

Wasiirka ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxan iyo sida uu ku dhacay, wuxuuna sheegay in lala tacaalayo dhaawaca gudoomiyaha gobalka Nugaal, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in uu jiro taliyihii hore ee qeybta Booliska gobalka Nugaal oo dhaawacmay.

Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku wajahan qaraxan iyo sida uu ku dhacay, ayna wadaan wali xog baaris.

Puntland ayaa dagaal Argagixiso mudo dheer kula jirta kooxaha Argagixisada ee Daacish & Al- Shabaab oo labaduba kasoo horjeeda horumarka Puntland.

 

2 Comments

  1. Cajiiiiin!!!!! Waqooyiga Gaalkacyo ayaa la qarxinayaa, koofurta magaaladana Qarax iyo madax jebis midna kama jiro. Garowe,Boosaaso iyo Laascaano ayuu Qaraxu rukun u yahay, Burca, Berbera iyo Hargeeysana baraad li’i baa loo seexdaa oo xitaa ma jiro, waardiye adag!!!!!!

    War nimanka idin laaynaya, kuwa aaysan far saareyn ee dhinacyada idinka xiga waxa aay u sheegeen, u sheega!!
    Maxaa loo lahaa, Majeerteenku wuu caqli badan yahay!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*