DF Soomaaliya oo joojisay isku socodka guud ee dalka, gaar ahaana Duulimaadyada diyaaradaha.

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay gabi ahaanba joojiso duulimaadyada gudaha ee dalka, ka dib markii cabsi laga muujinayo fiditaanka cudurka Corone Virus.

Wasaaradda Duulista Hawada ayaa qorsheynaysa in ay xirto gabi ahaanba garoomada diyaaradaha, waxaana lahakiyey isku socodka guud ee dalka, iyadoo cabsidu ay sii kordhayso.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadka iskaga safraya gobalada dalka looga baqay in ay ku jiraan qaar qaba cudurka, ka dibna iskaga gudba dalka, taas oo sii siyaadin karta kororka kiisaskan.

Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ka digay faafida cudurkan, waxayna sheegeen in looga baahan yahay shacabka in ay taxadar dheeraad ah muujiyaan.

Dhammaan duulimaadyada ayaa lahakinayaa wixii ka bilowda maalinta berri ah, waxaana taasi ay muujinaysaa walaaca la qabo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in haddii laga maarmi karro suuqyada laga tago oo guryaha lagu sugnaado, waxaana uu kula taliyey shacabka in ay qaataan amaradda laamaha Caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in ay dawladdu dadaalayso, balse tabartu ay aad u yar tahay oo loo baahan yahay in wadajir looga hortago wax kasta oo keeni kara faafida cudurkan.

3 Comments

  1. Federaalku waxay Ku hoos qarinayaan xakamaynta Virus-kan arimo kale sida dib u dhigista doorashada,muddo kororsi.

    Waxa ugu muhiimsan inaan Deni u suurtoobin tegitaanka xarumaha maamulada iyo Mogadishu.

    Waa isbaaro siyaasadeed maadaama dalka aan khatar sidaa u wey oo cudurka ahi aanay jirin marka laga reebo sadex qof oo la sheegay in bannaanka ka yimaadeen.

    Deeqdii Hantiilaha Chinese ka ahaa ayaa xataa olole laga dhigtay!!

    Ma oga miyaa in umadda Soomaaloyeed ee magacooda Ku qaraabanayaan in waxan loogu dhiibay ee ayaku lahayn??!

  2. Dahir war uma haysid ayaan filayaa ninka Garoowe ugu geeriyooday Corona Virus ma waxaad doonaysaa in dalkoo idil uu cudurku wada laayo wax walba in siyaasad laga raadiyo ma aha xitaa hadii aan siyaasad ka raadintaada kaala hadlo Dawlada Federaalka way ku saxan tahay inay Duulimaadyada gudaha ay joojiso si cudurku ugu ekaado kuwa diiday dalabkii ay dawlada federaalka ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah iyado 2 maamul ay ka dhaga adaygeen iyagoo ku xumeynaya Farmaajo iyo Kheyre oo dadkooda ku soo fasaxay duulimaadyo ka imaanaya Itoobiya taaso sababtay ninka maanta ku dhintay Garoowe oo ku yimid duulimaadyadaa itoobiya sow marka soo masuuliyad daro baahsan sow ma aha hadii aadan u naxayn oo aadan dan ka lahyn dadka iyo dhulka Soomaliyeed hade Dawlada Federaalka dhulkeeda iyo dadkeeda way jeceshahay weyna ilaashaneysaa ee dooda aad qabtid u jeedi kuwa kuu taliya ee aan danta kaa lahayn ee kugu soo fasaxaya duulimaadyada itoobiyaanka diyaaradooda kuugu keeneyso inta aad dacwad u qabsan lahayd dawlad dadkeeda iyo dhulkeeda jecel oo ilaalsaneysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*