FAAHFAAHIN: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Garoowe & Xog kasoo baxaysa.

GAROOWE(P-TIMES) – Saraakiil katirsan laamaha Amniga ee gobalka Nugaal ayaa u xaqiijiyey warsidaha PuntlandTimes in qarax lala beegsaday qaar kamid ah guddiga Nabadgalyada ee gobalka, oo xiligaas ku jiray howlahooda Shaqo, waxaana waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah Masuuliyiin.

Warar kala duwan ayaa wali sheegaya in ay jiraan dhaawacyo ka dhashay qaraxan oo la geeyey goobaha Caafimaadka, Laamaha Amniga ayaa xiray goobta oo dhan, waxaana Saraakiisha Amnigu ay sheegeen in ay wadaan baaritaan iyo hubinta xogaha goobta.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal & Taliyihii hore ee qeybta Booliska ayaa la xaqiijiyey in ay ka mid yihiin masuuliyiinta ku dhaawacantay werarkan.

Ma jirto cid si buuxda u xaqiijin karta dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay Qaraxan, waxaase warar hordhac ah ay sheegayaan in labo xubnood oo katirsan Guddiga nabadgalyada ay waxyeelo soo gaartay.

LA SOCO WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*