Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle & G. Banaadir oo soo dhaweeyey deyn-cafiska Soomaaliya, Puntland & Jubbaland oo ka aamusan.

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawlad gobaleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug & maamulka gobalka Banaadir ayaa soo dhaweeyey talaabada geedi socodka deynta Cafinta Soomaaliya, waxayna amaanen talaabooyinka ay qaaday dawladda Faderaalka, oo ay sheegeen in ay meel wanaagsan soo garsiisay, ayna doonayaan in ay dhammaan horey u socodsiiyaan.

Sadexda dawlad gobaleed, oo mid kastaa gaarkiisa u qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin talaabada ay qaaday dawladda Faderaalka, iyagoo sheegay in geedi socodkan uu qeyb ka yahay dadaalada dib u kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu goobjoog u ahaa bilowgii qorshahan oo uu ku jiray Golaha Wasiiradda Soomaaliya, uuna ku faraxsan yahay in uu dhamaadkiisa goobjoog u noqon doono, isagoo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kula taliyey in ay qorshahan qeyb ka noqdaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa cadeeyey in maalgashiga cusub ee la heli doono gobalada dalka, gaar ahaana meelaha baahiyaha weyn u qabta ay ka mid tahay Hirshabeelle, isagoo sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay dib u soo laabtaan kaabayaasha dhaqaalaha ee gobalada maamulkaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankiisa bogaadiyey geedi socodkan, isagoo sheegay in dhammaan Soomaalida looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan talaabooyinka horey loogu dhaqaajinayo dalkan.

Maamulada Puntland & Jubbaland oo dhawaan sheegay in aysan qeyb ka noqon karin hanaanka deyn-cafiska Soomaaliya ayaan wali ka hadlin go`aanka cusub ee kasoo baxay hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka oo ay ku dhawaqeen in Soomaaliya talaabo wanaagsan horey u qaaday.

 

9 Comments

  1. Intii magaca Soomaaliya wixii lagu helo deegaankoodu lagu hormarin jiray, waa inta hadashay oo soo dhaweeysay Intii ku qadi jirtayna waay aamustay. Laakiin waxaay ahayd, in aay hadlaan oo aay diidaan deyn cafinta lagu dhisi doono, Muqdisho iyo Hargeeysa, bixinteedana aay u sinnaan doonaan ubadka dhalan doono!!

  2. A. A. Xade,

    Sidaas oo ay tahay, labada lagu xamanayo in ay ka aamuseen ayaa dhaadan murtida dhabta ah ee deyn cafintan ku duugan oo cilmigeeda iyo aqoonteeda leh. Wanaag badan baa ugu jira shacabka labadan geyi (Puntland & Jubbaland) ee mataaneysan in ay waxii xaaraan ahaa ee Xamar lagu kala boobay ka qadeen.

    Waxaa kale oo aan dadka badankiisa u muuqanin sida aanay Puntland iyo Jubbaland ugu ba baahnayn sunuudda yar ee Xamar iyo Hargeysa lagu sadaqeysto oo ay haleeli kari lahaayeen isku filnaansho dhaqaale oo taam ah haddii ay madaxdoodu waxsoosaarka kheyraadkooda canshuuraha shacabka dib ugu maalgalin lahaayeen inta ay Xamar iyo meelo daran u hanqal taagayaan.

  3. Boodheri iyo A,A xade
    Inta aad dad kale firin idinku is firiya ma cadaalad ayaa puntland kajirta.
    Waxaad qadateen madaxweynihii puntland
    Waxaad qadateen 100 kiiba wax 50 kabadan xildhibaanadii puntland
    Waxaad qadateen caasimadii
    Waxaad qadataan deeqaha waxbarasho 100kiiba 99
    Waxaad qadataan deeqaha caalamka ka yimaado 100kiiba 100.
    Waxaad jirtaa puntland 20 sanno.
    amii sheegikartaa waxaad sool ama sanaag aad u qabteen?
    20 de puntland jirtaa?
    Ka soo qaad inay puntland heshay 10 mashruuc.
    8 idinka inaad qadateen 1na sool 1na sanaag.
    Sool waxay heli lahayn side aan kor kusoo dhashay 2o mashruuc 20kii sanno ee puntland jirtay
    Ma iisheegi kartaa 20 mashruuc ee sool heshay.

  4. Caabdi,

    Aniga marka aan iska hadlo Sanaag baan u dhashay oo aan jawaabtayda kaa siinayaa. In ay caddaalad xumo Puntland ku baahday shaki kuma jiro laakiin xaajadu sida loo gurriciyo wax badan bay ku duwan tahay. Dadka sidaada hadalka u dhiga waxay ka wadaan in ay beesha Majeerteen beelaha kale kass iyo maag wax uga xaqireen muddadaas oo dhan laakiin waa wax xaqiiqada ka fog.

    Gaalkacayo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso waxii baxsani deegaannada Majeerteen intooda kale horumar iyo wax ku dhaw toona ma aysan arkin oo beelaha kale ee geyiga ku qatan ayay duruufaha iyo dayaca la wadaagaan runtii. Waxaa ka sii xanuun badan sida ay deegaannada dhanka xeebaha bariga iyo dhul beereedka dhinaca Hawdka iyo Mudug xiga ay waxsoosaarka iyo kheyraadka dabiiciga ah ugu qanisan yihiin oo ay Puntland oo dhan ku filnaan lahaayeen xaqiiqdii, haddana waa kuwaas wada bayalaha ah.

    Caddaalad daradu ma aha tol wax isu diiddan ee waxaa sababay madax iyo siyaasiyiin calooshood u shaqeysteyaal ah ee aan dagalkoodan hoos u eegin. Wax wada dhoohan oo aan fiiradheeri iyo fariidnimo lahayn ayaa isa soo sharraxa oo meesha lagu doortaa oo dadkan sidaas u wada dayacay. Runta waa la sheegaa laakiin waa xaaraan in beelahan tolka ah been iyo wax aan jirin la iskugu diro. Ka waantooba.

  5. A.A.XADE iyo Boodhari

    Nimanayahow waad I aamusiseen. Kkkk jawaab kasta oo aan damco in aan bixiyo waad igala xormartaan. Am glad the sons of somalia are rising. Waa in bur iyo biyo rag u kala baxo.

    • Wakhtigii awoowayaasheen marxalad kasta oo adag waxaa lagu abaari jirey analytical approach si marxalada loo mira guro oo salka ay ku qotonto loo gaaro.

  6. Comrade Abdiweli,

    Ina adeer adiga mudan ee mar kasta soo wiiq waxii karaankaaga ah. Sababta aan Puntlandtimes ugu soo biiray oo uguna xiisoodo adiga iyo labo akhyaarta kale ka mid ah ayaa ka mid ah oo afkaarta tayada sare leh mar kasta ina la wadaaga.

    Waxaan 1000% kugu raacsanahay xaqiiqada aad jiilashii naga horreeyay ka sheegtay ee aynu ummad ahaan wax ku ahayn marka runta laga hadlo. Waxaa ugu yaabka badan waagaas oo ay aqoonta maaddigu gabaabsi ahayd ayay naga talo iyo hoggaan wacnaayeen. Maanta ay Soomaalidu wada jaamici tahay ayaynu ugu liidannaa.

    What an irony, eh?

  7. @@ Booderi iyo C/weli waan idin salaamay akhyaarta.

    C/weli wuxuu yiri waad i aamusiseen. Kkkk
    Aad baan ugu faraxsanahay in laga helo, ciddan ah cidda kali ah ee Soomaali ah ee magaceedu in aay sheegato ka dhuumaneeyso, rag badan oo bareeraha abbaro, dacarba ha ka qareeraatee, sidiinoo kale.
    Daarood waa, qabiilka kali ah ee Soomaaliyeed ee aanan xitaa shir qabiil oo uu dahiisu kaga hadlo aanan qabsan karin maanta.
    Sidaana lagu duudsiiyo xuquuq badan oo uu lahaa.
    Halka aay soomaalidii kale wax aaysan lahayn iyo mid aay lahaydba ku qaadato, qabiil lahu faano. Waa in muska laga soo baxo uusan Ilaah ina gelin, oo Soomaali lala xisaabtamo, markaas ayaay arrinta Soomaaliya ur u baxeeysaaye.

  8. masha allah meesha akhyaar fikir saliim ah leh ayaa ka hadashay runti waan ka helay fikradihiina.mahadsanidin walaalayal.Allah dalka ha inooga qabto calooshood u shaqaystayaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*