Jabuuti oo shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah

NAIROBI(P-TIMES)- Wasaarada Caafimaadka dalka Jabuuti ayaa shaacisay in ay diiwaan galisay 9 qof oo cusub oo laga helay cudurka Coronavirus, waxaana tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee dalka Jabuuti ay hada tahay 11 qof sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaarada.
Dalka Jabuuti oo xuduudo la leh dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ayaa hore looga helay cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, waxaana dowladdu ay xidhay xuduudaha soo gala dalka iyo dhamaanta garoomada halka goobaha lagu kulmo amaro laga soo saaray.
Wasaarada Caafimaadka Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay kiisaska hada la hayo, waxaana ay digniino u dirtay shacabka dalkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*