Madaxweynaha Deni oo Corone-Virus awgiis u joojiyey dhammaan Shaqooyinkii & Qaabiladii Hay’addaha dawladda.

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey la kulanka masuuliyiinta maamulkiisa iyo qaabilaada Dadweynaha, markii uu kasoo laabtay safar qaatay 7 maalmood oo uu ku joogay deegaanada Xeebaha ee gobalka Nugaal, halkaas oo uu sheega in uu tagay safar nasasho ah, balse ay kasoo baxayaan macluumaad kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa joojinta cusub oo xalay bilaabatay lagu sheegay faafida cudurka Corone-Virus ee dunida, maadaama uu saameeyey dad badan oo Soomaaliyeed, sidaas oo kalena ay jiraan kiisas la tuhunsan yahay magaalada Garoowe.

19-kii bishan ayuu Madaxweynaha Puntland sheegay in uusan qaabili doonin cidna, gaar ahaana Ergooyinkii iskaga yimi gobalada Puntland, oo uu sheegay in sababaha Corone-Virus awgeed ay tahay in laga dheeraado kulamada gaar-gaarka ah.

Wasiiro katirsan Xukuumadda Puntland ayaa xalay laga celiyey Aqalka Madaxtooyada, gaar ahaana guriga Madaxweynaha oo ay doonayeen in ay kulan kula yeeshaan, ka dib markii ay horey balan u lahaayeen, balse si kedis ah loogu wargaliyey in la joojiyey.

Sidaas oo kale, waxaa jira warar sheegaya in kulamada laamaha Ammaanka iyo dadka Madaxweyne Deni qaabilayaba xagga telfoonka loo wareejiyey, taas oo ka dhigan cabsi halkii ugu sareysay iyo taxadar dheeraad ah.

Xanuunka Corone-Virus ayaa noqday waxa ugu badan ee laga cabsi qabo ee dunida maanta, isagoo ku dhacay madax badan oo caalamka ah, gaar ahaana u dambeeyey Ra`iisulwasaaraha UK oo shalay laga helay iyo xubno katirsan golihiisa Wasiiradda, gaar ahaana wasiirka Caafimaadka oo hadda la dhigay goob caafimaad.

1 Comment

  1. Mr. Deni, now that Puntland’s taxpayers are mercifully spared the expense of your constant and unnecessary first-class air travel thanks to Covid-19, will you utilize your precious time at Villa Garowe to reflect hard and bring forth a vision for a brighter future for Puntland, or will the time be simply wasted either snoring away or engaging in idle tribal chitchat?

    There is absolutely no doubt that by the time it has all blown over in about 18 months’ time, this pandemic will have profoundly transformed our world as we knew before the outbreak. Significant changes are afoot all over the world and most countries are already scrambling for every available expert advice in an effort to redesign new economic and political models aimed at mitigating the inevitable fallout from the Covid-19 pandemic and making fundamental structural adjustments for the new and uncertain future.

    Given the hopelessness of Mr. Farmaajo and Co at the federal level, I am just curious to know what steps Villa Garowe is taking in order to prepare Puntland for the new world order because it will not be “business as usual” ever again after this. Besides, there will more epidemics and pandemics to come plus the serious consequences of climate change to which Puntland will be particularly suspectible, both inland and along its long coast. Any plan Mr. Deni?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*