Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay xubno mucaaradsanaa

CADAADO(P-TIMES)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor aya duleedka magaalada Dhuusamareeb waxa uu kula kulmay inta badan siyaasiyiintii mucaradsanaa doorashadiisa isga oo kala hadlay arrimo la xiriira hana qaadka maamulka Galmudug iyo isku soo dhaweynta dhinacayada isku khilaafsan Siyaasadda.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa xildhibaano ka tirsan laba aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug, waxaana laf ahaantoodu ka hadleen sidii maamulka curdunka ah loola shaqeyn lahaa.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in uu uga mahad celinayo siyaasiyiintan aqbalaadda gogosha loogu gogol xaarayo wixii khilaaf ahaa ee ka dhashay doorashada madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kalena waxa uu tilmaamay in ay isla garteen in meesha laga saaro khilaafka loona jahaysto dhismaha Galmudugta cusub, waxaana uu ugu baaqay shacabka Galmudug in ay qaybtooda ka qaataan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*