Qofkii labaad ee qaba cudurka Coronavirus oo Muqdisho laga helay

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho laga helay qofkii labaad ee qaba cudurka Coronavirus ee ku baahay Caalamka.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayay maanta ku shaacisay in qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa kadib baaritaan lagu sameeyey laga helay cudurka COVID 19.

Waxa ay sheegtay in qofkaas uusan jirikiisa ka muuqan calaamadaha cudurka, hayeeshee Wasaaradda Caafimaadka ay muwaadinkaas Soomaaliyeed ay gacanta ku heyn doonto ilaa iyo inta uu ka caafimaadayo.

16-kii Bishan ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay shaacisey in qofkii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho kaas oo ka yimid wadanka Shiinaha.

1 Comment

  1. hargabka ay soomalidu u taqaan ISWADKA iyo covid19 waxna maku kala duwana.iminka ana hargab la yaal wallahi.hadane wax shaki ah imahayo oo covid19 ah.tan kale covid19 waa hargabki oo magac loo yeelay camal shakiga iyo cabsida iska dhaafa soomaaliyeey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*